DEG DEG: Kooxda Arsenal oo ku dhawaaqday in ay la soo wareegtay Weerarayahanka Lucas Perez

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay inay la soo wareegtay weeraryahankii kooxda Dpeortivo La Coruna Lucas Perez.

Kooxda Gunners ma aysan shaacinin faahfaahinta heshiiska, laakiin waxaa la rumeysan yahay in Lucas Perez uu ku soo wareegay heshiis 17 milyan ginni ah isagoo kooxda Emirates Stadium ka dhisan u saxiixay qandaraas shan sannadood ah.

Weeraryahanka cusub ee Gunners ayaa ah xiddig ka soo baxayay Spain, waxaana uu tababare Arsene Wenger uu u arkaa mid dabooli kara baahida kooxda ka heysata dhanka weerar.

“Kaliya ma ahan gooldhaliye, waa nin si wacan u la ciyaara ciyaartoyda kale, waa nin dhiibi kara baaska ugu danbeeya ama orodyo fiican sameyn kara. Waxa uu il fiican u leeyahay goosha, waxaana soo maray xilli ciyaareed fiican sannadkii hore” ayuu yiri tababare Arsene Wenger.

Lucas Perez ayaa shalayto ka soo degay garoonka Heathrow sida aan idiin soo gudbinay, waxaana la filayaa inuu tababar degdeg ah la bilaabo kooxdiisa cusub madaama uusan qeyb ka aheyn xulka Spain ee ciyaaraya kulanka saaxiibtinimo iyo kulanka isreebreebka Koobka Adduunka.

gun__1472375496_Perez.jpg

FB_IMG_1472567675076 FB_IMG_1472567676931 FB_IMG_1472567678618 FB_IMG_1472567684329 FB_IMG_1472567686056