DEG DEG: Kooxo Hubeysan oo Dagmada Yaaqshiid Nabadoon Caan Ka Ahaa ku Toogtay+Magaciisa

 

Sida Ee Wararka Nagusoo Gaarayaan Magaalada Muqdisho ayaa Waxa ay sheegayan in Goordhaweyd Oo Caawa Ah

Kooxo Hubeysan ay Dil u geesteen Nabad-doon Caan ah oo si weyn looga Yaqaanay D/Yaaqshiid.

Kooxo Bastoolado wato ayaa Rasaas la dhacay Nabadoonka Allaha ha u Naxariistee Nabad-doon Muxumad Tarabi

Shiikhow Iyadoona Dilkaasi uu ka dhacay Dagmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Lama Garanaayo kooxda ka Dambeysay Dilkaas Loogeystay Nabadoonka waxaana Dagmada Yaaqshiid Horay loogu dilay Nabad-doon Caan ah .

Warar Hoose oo aan heleyno ayaa waxa ay Tibaaxayan in Nabad-doonka la dilay uu kamid ahaa Odayaasha soo

xulaaya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya.