DEG DEG: Kooxo Hubeysan oo Toogasho ku dilay Gaashaanle Sare oo wasaarada Gaashaandhiga ka tirsan

Wararka hada aynu ka heleyno Dagmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayan in Kooxo Hubeysan ay Goordhaw toogasho ku dileen Gaashaanle Sare oo ka tirsanaa Wasaarada Gaashaandhiga.

Gaashaanlaha Sare ee la dilay yayaa waxaa agu Magacaabaayay Yaxye Xaaji Cali Aadan oo ka tirsanaa Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Dad Goob joogayaal ah ayaa Shaaciye24 uga waramay sida ay wax u dhaceen inkastoo goob joogaha uu diiday in codkiisa warbaahinta loo adeegsado waxaana uu sheegay in Kooxo Bastoolado ku hubeysan ay toogteen Gaashaanlaha sare .

Allaha u naxariistee Yaxye Xaaji Cali Aadan ayaa la dilay xilli uu ka soo baxayay Gurigiisa oo ku yaala Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada Ammaanka ayaa durbadiiba goobta gaaray markii ay Baxsadeen ragii dilka geystay waana mid ka mid ah Dhaqamada Muqdisho ka dhaca oo Markii Koox ay dilka geysato markii ay Baxsadaan ayey Ciidanka Goobta Yimaadaan taasi oo u eg sheekooyinka ka dhaca Filimada oo Koox Dabley ah marka ay dhibaato geysata si nabad ah ayey goobta uga tagaan Ciidankana Markaas unbeey baaris Sameeyaan oo aan sal iyo Raad loo heynin.