DEG DEG: Laba Qarax oo Goordhaw laga Maqlay Gudaha Magaalda Galkacyo

Wararka aynu Goordhaw ka Helnay Magaalada Galakcyo ayaa waxa ay sheegayan in Halkaasi ay ka dhaceen Laba Qarax oo xoogan oo laga maqlay Xaafadaha Magaalada Galkacyo.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay Suuqa Dayax ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ay ku taalo Xarunta Dowladda hoose.

Qaraxyada ayaa la sheegay in loo Adeegsaday Gawaari waxyaabaha Qarxa laga soo Buuxiyay iyadoona ay jiraan Qasaaro ka dhashay labada qarax ee is xig xigtay.

Qiiq iyo Uuro ayaa iska isku shareertay taasi oo ka dhalatay gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ee lagu weeraray Suuqa Dayax.

Inkastoo aan la Ogaan karin qasaaraha dhabta ah hadana dad goob joogayaal ah ayaa Shaaciye24 uga waramay in ay dhaceen qaraxyo xoogan goobtuna ay aheyd mid mashquul ah oo dad badan ay ku sugnaayeen taasi oo ka dhigi karta in qasaaraha uu noqdo mid xoogan.

La soco wixii ku soo Kordhaa iyo Sawirro Insha allah