DEG DEG: Madaxii Dilalka & Qaraxyada ee Al- Shabaab u qaabilsanaa Mudug oo Ciidamo gaar ah ay Gurigiisa Galeen+Sawirro

Ciidamada PSF-ta & Danab ee ka kala tirsan dawladda Puntland iyo Dawladda Faderaalka ayaa goor dhaw ku dhawaaqay in ay soo u dhaceen gurigii laga soo maleegi jirey Dilalka qorsheysan iyo qaraxyada inta badan ka dhaca magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

War ay si wadajir ah u soo saareen ciidamada Danab & PSF-ta ayaa lagu cadeeyey in ninkan lagu magacaabo Nuur Deeq, lagana soo saaray guri ku yaala Xaafadda Baraxley ee magaalada Gaalkacyo.

Nuur Deeq hadda ayaa la baadi-goobayaa isagoo la sheegay in uu ku jiro xaafadaha magaaladaas ayna Cadaaladda horkeeni doonaan shaqsigan.

Ciidamadan ayaa hadda wada howlgalkii ugu dambeeyey, waxaan la sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalkan oo ahaa kii ugu adkaa ee laga fuliyo xaafaddaha magaalada Gaalkacyo.

1-5 2-5 3-5 4-5 FB_IMG_1471262923249 FB_IMG_1471262944825