DEG DEG: Madaxweynaha Galmudug oo Hada Gaaray Deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud

Wararka aynu ka Heleyno Deegaanka Godinlabe oo Maanta Dagaal uu ka dhacay ayaa waxa ay sheegayan in Goordhaw Halkaasi uu tagay Madaxweynaha Galmudug iyo Ciidamo Badan uu watay.

C/Kariim Guulled ayaa Godinlabe u tagay siduu u qiimeyn lahaa Xiisada Halkaasi ka jirto Iyadoo ay Xusid mudantahay in Ciidanka Galmudug iyo Kuwa Nabad Sugida Saakay Dagaal looga saaray deegaanka ayna Gacanta ku dhigeen Ciidanka Ahlusuna iyo Maleeshiyo deegaanka Isbaaro u tiilay.

Balse warar Madax banaan oo aan ka helnay deegaanka ayaa sheegaya In Ciidamada Ahlusunna ay Degaanka Godinlabe  uga baxeen Dhanka Magaalada Dhuusamareeb islamarkaana ay hadda ku sugan yihiin Goob layiraado Caratuurka oo Duleedka ka ah Godinlabe.

Dagaalkii saakay waxaa la sheegay in qasaaro badan uu ka dhashay waxaana Halkaasi la sheegay in uu ku dhintay Taliyihii Ciidanka Ahlusunna Axmed Maxamed Odawaa{Axmed Dheere}

Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu wadaa in Kulamo uu la qaato qeybaha Bulshada ee Deegaanka .