DEG DEG: Madaxweynaha Soomaliya oo la filaayo in uu gaaro Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa in socdaal uu ku tago Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Socdaalka madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la filaya in Saacadaha soo socda uu ku gaaro Magaalada Kismaayo waxaana wararka ay sheegayan in Madaxweynaha uu Kismaayo u tagi doono Ol’oalaha Doorashadiisa.

Madaxweynaha wuxuu Socdaalkiisa dhabar jab ug dhigaya Safarkii Cumar C/Rashiid uu Kismaayo ku tagay taasi oo u muuqata in Xasan Shiikh uu walwal xoogan kasoo wajahay Dhanka Jubbaland.

Cumar C/Rashiid oo Musharax Madaxweyne ah ayaa Kismaayo kulan kula qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee Jubbaland uga mid noqon doono Baarlamaanka soomaliya.

Raisul wasaaruhu wuxuu xildhibaanada labada Aqal u sheegay in Muhiim ay tahay in Dalka uu helo Hogaan is bedel sameyn kara wuxuuna ugu baaqay Xildhibaanada in Hogaan cusub ay u doortaan Dalka kaasi oo samata bixin karaa wadanka .

Hadalka Raisul wasaaraha wuxuu weerar ku ahaay Madaxweyne Xasan shiikh oo doonaya in Markale xilkaan loo doorto balse Xasan ayaa hada usoo jeestay in Dhankiisanaya uu kulamo lasoo qaato xildhibaanada labada Aqal ee Jubbaland si uu kaga shubo wixii uu kusoo shubay Cumar C/Rashiid.

Xasan Wuxuu aad uga cabsi qabaa in ay ku dhacdo sidii doorashadii 2012 ku dhacday Shariif shiikh axmad ee Xasan shiikh uu kusoo baxay Guul lama Filaan aheyd wuxuuna hada isku dayaya in Taasi uu ka waaqsado in ay isaga ku dhacdo.