DEG DEG: Madaxweyne Xasan Shiikh oo hada ka qeyb galaya Furitaanka Shir Madaxeedka 6-aad Iskaashiga Afrika iyo Japan (TICAD).

Madaxweynaha Soomliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Hada Waxa uu ka qeyb qaadanaya Xaflada Furitaanka Shir Madaxeedka 6-aad Iskaashiga Afrika iyo Japan (TICAD).

Xasan Shiikh ayaa shalay tagay Magaalada Nairobi Isagoona halkaasi loogu Sameeyay soo Dhaweyn Balaaran.

Dowladda Japan ayaa shirkii ugu horeeyay ee TICAD waxay ku qabatey magaalada Tokyo, sannadkii 1993-kii, waxaana ujeeddadiisu ay ahayd kobcinta horumarka Afrika, nabadda iyo amniga, iyadoo diiradda la saarayo xoojinta xiriirka labada dhinac, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya dhammaan madaxda Afrika iyo Japan, waxaana labada maalmood ee uu socdo diiradda lagu saari doonaa maalgashiga Afrika, fursadaha ganacsi ee labada dhinac dhexmaraya iyo ka faa’ideysiga kheyraadka labada dhinac.

La Soco wararka ku soo kordhaa Insha allah