DEG DEG: Mamulka Jubbaland iyo Hey’adda UNHCR oo hada kulan uu uga furmay Magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland Wararka aynu hada ka heleyno waxa ay sheegayan in Kulan Xasaasi ah uu goordhaw ka furmay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

Kulankaan ayaa waxaa looga doodaya sidii loo maareyn lahaa Qaxooti badan oo ku xayiran Dagmada Dhoobley kuwaasi oo ka soo laabtay Xeryaha Dalka kenya.

Kulankaan ayaa waxa uu u dhaxeeya Maamulka Jubbaland iyo hey’addo dhowr ah oo daneeya arimaha qaxootiga kuwaasi oo hoos yimaada qaramada Midoobay.

Hey’adda UNHCR xubno ka socda ayaa Kulankaan ka qeyb galayaa waxaana dhanka maamulka jubbaland kulankaan u horkacaay Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Jubbaland General Darwiish iyo masuliyiin kale.

Sidoo kale kulankaan waxaa ku sugan Xubno sar sare oo beesha caalamka ka socda waxaana la fuilaaya in looga doodo sidii loo maareyn lahaa Qoysaska qaxootiga ee hada ku xayiran Magaalada Dhoobley.

Dhawaan ayey aheyd markii Maamulka Jubbaland ay sheegeen in ay Hakiyeen Qaxootigii ka soo laabanayay dalka kenya ee soo gaarayay deegaanada Galmudug Sababo la xiriira in Culeys badan uu yimaaday Hey’adda UNHCR ay kasoo bixi weysay balantyii ay qaaday oo aheyd in ay gacan weyn ka geysato dib u dajinta qaxootiga kenya ka soo laabanaya.

La soco wararkeena Dambo wixii ku soo kordhaa Insha allah