Deg Deg: Qarax Gilgilay Inta Badan Xaafada Kismaayo Ayaa Ka Dhacay Kismaayo.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax loo adeegsaday Miino uu ka dhacay Maqaayad ku taalla Magaalada Kismaayo.

Maqaayada ayaa waxaa fadhiisan jiray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya , sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah oo ku sugan magaalada Kismaayo.

Maqaayada ayaa hal mar waxaa ka dhacay Qarax xoogan , waxaana xiligaasi goobta ku sugnaa dad aad u farabadan .

Inta la xaqiijiyay 3 qof ayaa ku dhaawacantay Qaraxa ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Qaraxa ayaa sidoo kale burbur xoogan gaarsiiyay dhismaha ay ku taallay Maqaayada.

Saraakiisha maamulka Jubbaland Wali Faahfaahin kama bixin Qaraxa loo adeegsaday miinada ee ka dhacay Magaalada Kismaayo.