Deg Deg: Qarax Goordhow Ka Dhacay Degmada Waabari———

Qarax labaad ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir,

Qaraxan oo si gaar ah uga dhacay xaafada Waaberi-cusub ee Degmadaasi ayaa laga maqlay xaafadaha ku yaalla Degmada Waaberi, sida ay sheegeen dadka Degaanka.

Gaari NOAH ah ayaa la sheegay in halkaasi ay ku Qaraxday, taasi oo lagu soo xiray waxyaabaha Qarxa, waxaana dhaawac uu ka soo gaaray ninkii waday.

Ilaa iyo hada lama oga ninka Qaraxa loogu xiray Gaariga waxa uu yahay, balse wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka tirsan yahay shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Daqiiqado ka hor ayay aheyd markii Qarax Gaari oo ay ku dhinteen 6 Qof, kuna dhaawacmeen 7 kale uu ka dhacay Agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.