DEG DEG: Qorax Madoobaad laga dareemay wadamo badan oo qaarada afrika ka tirsan

Waxaa ina soo gaaraya Waddamo badan oo Qaarada Africa ah in Qaraxda Iftiinkeedii yaraaday oo qaab ka duwan sidii hore loo dareemayo.

Indhaha Ayaan si fiican loogu dhameystiri Karin iyadoo qaab Hoos ah laga dareemayo Qoraxda Hooska kasoo baxa.

Waddamada Ugandha,Nigeria,Kenya iyo South Africa Ayaa ilaa hadda la xaqiijiyey in Hooskii Qoraxda uu ka jiro dadkuna ay la fajaceen Xaalada jirta.

Waxa la sheegay in Dalalka Gabon,Tanzania,Muzambique,Madagascar,Congo iyo Waddamo kale Qaarada Africa ah in Iyana saacado kadib Qoraxda ifkeeda is dhimmi doono.

Iftiinka Qoraxda ayaa 94% lagu sheegay taasi oo qofka uu mugdi meel dheer ah uu dareemayo sida in roob soo socdo hadana cirku wax daruur ah malahan Waddamada qaar

dhinaca kale Xalay ayaa warbaahinta Caalamka waxay soo xigteen Culimada Seynisyahana ah oo sheegayey in 1 September 2016 oo khamiista Maanta ku beegan Qoraxda Hoos galeyso.

Dad badan oo Caalamka ku dhaqan ayaa sidoo kale la socday Fariimo Shabkada Google ay ku muujineysay Sida Calaamad ahaan Qoraxda iyo Bisha Hoos ugalayaan.

Seynisyahanada ayaa ku sheegay arintaan mid dhulka iyo Cad ceeda ay is galayaan taasi oo humaag ka dhasha uu Madoobaadkaasi keenayo.

Waddamo badan Ayaan la xiriiri doonaa oo Xogtaan Seynisyahanadu bixiyeen aan wax ka weyndiineynaa wixii ka run noqda insha allah..