Ra`iisul wasaaraha Xukuumadda faderaalka Soomaaliya, mudane Cumaer Cabdi rashiid Cali Sharma`arke ayaa sheegay in uu yahay Murashax Madaxtinomo doorashada la filayo in ay dalka ka dhacda Dhawaan.
Shir Jara`id uu ku qabtay Muqdisho ayuu kaga dhawaaqay Murashaxnimadiisa.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in hadii uu ku guuleysto qabashada xilka madaxtinimo ee dalka uu wax badan qaban karo, islamarkaana qibradiisa uu kaga faaiideynayo dalka.