DEG DEG: Wasiirada Arimaha Dibada IGAD oo Muqdisho soo gaaray

Wararka ka imaanaya Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayan in Goordhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ay ka soo dagteen Wasiiro ka Tirsan Urur Goboleedka IGAD.

Wasiirada Arimaha Dibadda Dalalka Kenya iyo Jabuuti ayaa Muqdisho soo gaaray waxaana Garoonka ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka.

Waxaa sidoo Kale Muqdisho Goordhaw ku soo Wajahan Madaxweynayaasha Urur Goboleedka IGAD oo Maanta Muqdisho uu kaga Furmaayo Shirka IGAD.

Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay Waxaana Goordhaw la Filaaya in Daqiiqadaha soo socda ay Madaxda timaado islamarkaana loo galbiyo goobta loo asteeyay in shirka uu ka furmo.

La soco wixii ku soo Kordhaa Insha allah