DEG DEG: Xiisad Kulul oo laga soo sheegaayo Deegaano dhaca Bariga Gobolka Mudug

Wararka aynu ka heleyno Bariga Gobolka mudug ayaa waxa ay sheegayan in Halkasi ay ka jirto Xiisad Dagaal oo u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Galmudug

Xiisada ayaa lasoo sheegaya in ay ka taagantahay Deegaanka Jeexdin iyo deegaano dhowr ah oo hoos yimaada Halkaasi oo ay Buux dhaafiyeen Ciidamo ka kala Tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Ciidamo labada dhinac ah ayaa la sheegay in ay ka baxeen Magaalada Galkacyo labadeeda dhinac ee Koonfurta iyo Wuqooyga waxaana dadka ku Nool Jeexdin oo Shaaciye24 ay la xiriirtay ay inoo sheegen in Deegaanka ay ka jirto baqdin xoogan oo laga cabsi qabo in Dagaal uu halkaasi ka qarxo.

Dadka Deegaanka ayaa la soo sheegaya in ay ka Carareen Jeexdin iyo Deegaanada Hoos yimaada ee Miyiga ah Iyagoo ka baqdin qaba in Dushooda lagu dagaalamo .

Mid ka mid ah Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in Dadka iyo Xoolihii Deeganka Jeexdin ay ka carareen deegaanka iyagoona u baqoolay deegaanada kale ee Jeexdin Dariska La ah waxaana Qof ka mid ah Dadka deegaanka uu sheegay in ay jiraan Abaabul xoogan oo labada Ciidan ay sameynayaan.

Deegaanka Jeexdin Waxaa maalmo ka hor ka dhacay Duqeyn ay Abaabushay Puntland oo Lagu laayay Askar badan oo Galmudug ka tirsan waxaana duqeyntaasi fuliyay Diyaaradaha Mareykanka oo Muqaabaradka Puntland ay si ula kac ah ugu sheegen Mareykanka in uu duqeeyo Ciidan ay sheegen in Shabaab ay yihiin oo Abaabul xoogan wada Balse Ciidanka la laayay waxa ay Noqdaan Ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Shaaciye24 kala soco wixii warar ah ee kusoo Kordhaa Insha allah