DEG DEG: Xiisad u dhaxeysa Maamulada Galmudug iyo Puntalnd oo laga soo sheegayo Deegaan u dhaw Magaalada Galkacyo

Wararka hada aynu ka helyno Magaalada Galkacyo ayaa waxa ay sheegayan in Xiisad Dagaal ay ka jirto Deegaanka Taaroge ee duleedka Gaalkacyo taasi oo u dhaxeysa Galmudug iyo Puntland.

Xiisada ayaa la sheegay in ay timid ka gadaal Markii galmudug ay isku dayday in Saldhig Ciidan ay ka dhisto deegaankasi taasi oo la sheegay in Saraakiisha Ciidamada Puntland ay ka horyimaadeen.

Deegaankaasi waxaa ku wada sugan Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland waxaana laga baqdin qabaa in halkaasi uu dagaal ku dhexmaro labada Ciidan hadii aan lasoo dhexgalin oo khilaafka aan la xalin.

Dadka Deegaankaasi ku sugan ayaa waxaa soo food saartay baqdin xoogan iyagoona ka baqdin qaba in dushooda lagu dul dagaalamo.