DEG DEG: Xildhibaano iyo Saxafiyiin la sheegay in ay ku Dhaawacmeen Qaraxii ka dhacay Hoteelka SYL ee Muqdisho

Iyadoo Qarax xoogan Saakay lagu weeraray Hotelka SYL ee Muqdisho ayaa hada waxaa soo baxaya in Qaraxasi uu ka dhashay qasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Ku dhawaad 5 Ruux ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen halka dhaawacana uusii caga cageynaayo 10 ruux wax ka badan.

Dadka Dhaawacmay waxaa ku jira Xildhibaano iyo Saxafiyiin ka howlgala magaaladamuqdisho.

Xildhibaan Jeesoow ayaa lasoo sheegaya in Qaraxan uu dhaawac yar ka soo gaaray inkasto la sheegay in dhaawaciisa uu yahay gacanta.

Sidoo kale Saxafiyiin ayaa ka mid noqday Dadka qaraxa ku dhaawacmay waxaana ka mid ah Cabdi Fitaax Arizoona oo ah Agaasimaha Warbaahinta Gobolka Banaadir iyo Maxamad Xasan Cali Beesaani oo isna ah Caamiro Man iyo Muuqaal duube ka tirsan Tv-yada Soomaliyed.