DEG DEG:Somaaliland oo Xabsiga dhigtay Koox ku dhawaaqday Urur Diimeed.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa Ee Xarunta u ah Maamulka Somaaliland ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Maamulkaasi ay Xabsiga U taxaabeen Xubno ka tirsan Koox sheegtay Culimo oo urur Diimeed la magacax baxay Asaaciduuna Bil Xaqi kaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa.

Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Somaaliland oo Warfidiyeenada la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inay Xabsiga dhigeen Xubno ka tirsan Ururkaasi sidoo kalena ay ku daba jiraan inta harsan.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan Maxkamad la soo taagi doono dhamaan Kooxdaasi.

Dhawaan ayey eheed markii magaalada Magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso, iyo Hargeysa looga dhawaaqay Urur la magac baxay Asaaciduuna Bil Xaqi oo dadku tilmaameen inay yihiin Takfiirkii  Magaca Soo badasha.