Dhacdo Naxdin leh oo ka Dhacday Deegaan hoostaga Gobalka Galgaduud.

War ka imaanaya  deegaan hoos taga  gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in nin xoolo dhaqato ah uu isku diley deegaankaasi.

Ninkani oo lagu magacaabi jirey Ilkaweyne Cumar Jaaxuur ayaa isdeldelay Waxaana Sidaasi warbaahinta u sheegay dadka degaanka Baxdo,iyagoona  sheegay in ay ka dhammaadeen xoolihii uu dhaqanayay. Waxaana lagu soo warramayaa inuu xanuunsanayay.

“Sababaha uu isku deldelay waxaa lagu sheegay in abaartu ay ka leysay ari badan oo uu lahaa ninkaasi” ayay yiraahdeen dadka degaanka.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay maamulka  Galmudug,kaasi oo ku aadan inay la socdaan  masiibadani ka dhacday maanta halkaasi.

Sikastaba Degaanno badan oo Soomaaliya waxaa ka jirta abaar aad u daran oo dadka weli u dhiman darteed waxyeeleysay dhimirkooda.