Dhageyso: Axmad Madoobe oo Sheegay in aysan Dhici doonin in Waqti Kordhin lagu Sameeyo Doorashada Soomaliya

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmad Maxamad Islaam Axmad Madoobe ayaa ka hadlay Arimaha la xiriira Doorashooyinka la filaayo in Dalka ay ka dhacaan .

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in Marnaba aysan Dhici doonin in Waqtiga doorashada dib loo dhigo isagoona shacabka u sheegay in Doorashada ay dhici doonto waqigeeda beesha caalamkana ay sidaasi raali ka tahay.

Axmad Madoobe waxaa uu sidoo kale ka hadlay Wada hadala u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusunna waxaana uu sheegay in hada meel wanagsan ay marayan wada hadalada.

” Waxbadan oo Is badal ah ma jiraan Doorashadii Sideedei ayey u dhaceysaa Insha allah Waxa hada ugu badan ee laga sugaayo waxa ay tahay in waqtigii lagu tala galay ee la soo gudbay ay sideedi u socoto Ergooyinkii iyo Odayaasha dhaqanka iyo dadka loogu tala galay in ay Xaroodaan” ayuu Yiri Madaxweyne Axmad Madoobe.

Madaxweynaha waxaa kaloo uu ka hadlay Dhaqaalaha ku baxaaya doorashada isagoona sheegay xetaa hadii dhaqaalo la waayo ay muhiim tahay in shacabka soomaliyed iyo dowaladuba ay isku tashato isagoona daboolka ka qaaday muhiimada ay leedahay in shacabka ay iyagu isku tashtaan inta ay cid kaloo shi sheeeye ah ay sugi lahaayeen.

Sida Muuqata Waqqtiga loo qabtay in Doorashada y Dhcado ayaa waxaa ku jira Mad Madoow yar iyadoona siyaasiyiinta iyo Shacabkuba ay sheegayan in ay dhici karto in doorashaada aysan ku dhicin waqtigii loo qabtay oo lagu heshiiyay.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Jubbaland