Dhageyso: Banaan-bax Balaaran oo Maanta ka dhacay Deegaanka Tareedisho ee ku yaala Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye

Wararka aynu ka heleyno Duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Hada uu Banaanbax balaaran ka socdo Wadada dheer ee Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye .

Dibad baxayaasha ayaa la sheegaya in ay ka Careysanyihiin Ciidamo shalay ku dul dagaalamay dadka deegaankaasi ku nool iyagoona dalbanaya in Dowladu ay Talaao  ka qaado Ciidamadaasi dushooda ku dagaalamay .

Wararka qaar ayaa shegaya in ay xirantahay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye maadama ay buux dhaafiyene banaan baxayaasha waxaana dadka isku soo baxay ay hada ku suganyihiin halka loo yaqaan Tabeelaha shiikh Ibraahim iyo Weydoow oo u dhaxeeya Deegaanka tareedisho iyo ex Contarool Afgooye.

Qod Goobjooge ah ayaa warbaahinta u sheegay in dibad baxa uu bilowday saakay barqadii dadkana ay aad u muujinaya dareenka ay ka qabaan ciidankaan dushooda ku dagaalamay.

ma jirto Cid ilaa iyo hada la hadashay Banaanbaxayasha waxaase jirta in dadkaan ay muujinayaan Cabasho ku aadan ciidanka dowlada oo dadka ku dul dagaalama markasta taasi oo inta badan ay waxyeelo ka soo gaadho dadka Rayidka ah.