Dhageyso: Cabdi Kariim Guulleed oo ka Hadlay Xabad joojinta Galkacyo

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa ka hadlay colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo iyo xabad joojinta laga gaaray Dagaalka Gaalkacyo.

Madaxweyne Guulled wuxuu sheegay in Khadka Taleefanka ay ku wada hadleen isaga iyo C/wali Gaas Madaxweynaha Puntland ay ka wada hadleen Xabad joojin Magaalada Galkacyo ka dhaqan gasha.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale sheegay cidii jabisa xabad joojinta Gaalkacyo in ay qaadi doonto Mas’uuliyada dhibaatada halkaasi ka dhalata.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Shrika Jaraa’id Madaxweyne Guulled