Dhageyso: cabdi Wali Gaas” Khaatumo iyo Maakhir State wax la dhaho ma jirto Puntland iyadaa Maamusha Goboladeeda oo dhan”

Madaxeynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas,oo ka hadlayay go’aanada ka soo baxay Shirkii Madasha ee uu uga qeyb galay Muqdisho ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka ee degaannada Khaatumo laga soo xuli doono Puntland,waxaana uu ka hor yimid doonista maamullada Maakhir iyo Khaatumo ee degaanada Sool iyo Sanaag.

Waxaa uu sheegay in Puntland ay maamusho sagaal Gobol oo uu sheegay in ay Puntland maamusho,wixii farsamo ahna waxa auu sheegay in ay puntland soo diyaarineyso

Gaas,waxaa uu soo dhaweeyay go’aannada ka soo baxay shirka madasha,waxaana uu intaa ku daray in uu aad ugu rajo weyn yahay in jaantuska doorashada uu waqtigeeda ku dhici karo.

Go’aannada ka soo baxay shirka ayuu C/Wali Gaas ku sheegay in ay yihiin kuwo muhiim ah,islamarkaana waqti kala guur ah lagu joiro loona baahan yahay in loo fuliyo sida ay isugu afgarteen hoggaamiyayaash Madasha wadatashiga Qaran.