Dhageyso: Cali khaliif galeyr oo ka hadlay Arinta Muranka Badan dhalisay ee ku aadan wasiirada Khaatumo oo soomaliland Caynaba kula kulmay

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in wada-hadalada u socda Somaliland iyo Maamulkiisa ay marayaan meel wanaagsan islamarkaana ay rajo ka qabaan in ay miro dhalaan.

 
Madaxweyne Cali Khaliif Galeyr ayaa beeniyay Warar sheegaya in Wasiirro ka tirsan Xukumadiisa ay ku biireen Mamaulka Somaliland,waxaana uu hoosta ka xariiqay in Wasiiradaas ay yihiin kuwo Magaalada Caynaba ee Gobolka Sool u tagay wada-hadalo ay la galaan Somaliland.

 
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Khaatumo ayaa Eed kala dul dhacay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana uu sheegay in ay taako ku hayaan Aqoonsiga Maamulka Khaatumo,taasna ay tahay wax laga Xumaado.