Dhageyso: Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Amisom oo Dagaal kula Wareegay Deegaanka Luuq-jeeloow

Guddoomiyaha Magaalada Baladweyne Max’ed Cismaan Cabdi Qallaafoow Guddoomiyaha Magaalada Baladweyne ayaa Warbaahinta xaqiijiyay in ay Al-shabaab kala wareegeen degaanka luuga Jeeloow ee Galbeedka Magaalada Baladweyne.
Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya,kuwa AMISOM iyo Malleeshiyo beeleed iskaashanaya ayaa saaka ka amba baxay Magaalada Baladweyne,waxaana sida uu sheegay Qallaafoow ay ku siijeedaan degmada Buq-Aqable ee Gobolka Hiiraan,halkaas oo ay ku suganyihiin Xarakada Al-shabaab.
Waxaa uu sheegay in degaanno dhowr ah soo mareen islamarkaana markii ay ku dhowyihiin degaanka Luuqa Jeelow ay dagaal lakulmeen islamarkaana ay iska caabbiyeen oo ay sidaa ku qabsadeen.
Ujeedka Safarkooda Buq Aqable ayuu ku sheegay in uu yahay in ay isu furaan Ceel Cali iyo Buq Aqable oo inta u dhaxeysa ay Al-shabaab ku suganyihiin.
Guddoomiye Qallaafow,waxaa uu sheegay in qorsheynayaan in ay degaannadaasi ka saaraan Al-shabaab oo uu sheegay in ay dadka rayidka ah ku dhibaateeyeen halkaasi.