Dhageyso: Ciidamo ka tirsan Puntland oo Xalay weerar ku qaaday Saldhig ay Galmudug ku leedahay Galkacyo

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan Weerar Xalay Ciidamo hubeysan ay kusoo qaadeen Saldhigga dhexe Ee Galmudug oo ku yaalla Koofur Galbeed Magaalada Gaalkacyo.

Weerarka ayaa la sheegay in ay soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland waxaana la sheegay in Rasaas culus ay mudo dhowr daqiiqo ah socotay.

Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Galmudug Cawil Nuur Rooble ayaa sheegay in Xalay Ciidamo ka tirsan Puntland ay Weerar ku soo qaadeen Saldhiga Galmudug.

Taliyaha wuxuu intaasi ku daray in Weerarkii Xalay lagu soo qaaday Galmudug uu ka badan yahay illaa 10 jeer tan iyo markii Heshiiska la wada galay.

Galmudug ayaa sheegtay in Dhowr mar Puntland ay kala hadashay in ay joojiyaan weerarada ay kusoo qaadayan Magaalada Galkacyo qeybta ay Galmudug maamusho.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Taliyaha