Dhageyso: DAB LAGU DAARAY WADA HADALKII UDHAXEEYA S/LAND & KHAATUMO {MAQAL}

Iyadoo Bilo ka hor ay soo if baxeen is faham iyo wada hadal ubilowday Maamulada Khaatumo iyo Soomaaliland ayaa war kale uu soo yeeray iminka.

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Prof.Cali Khaliif Galleyr ayaa waxa uu sheegay in hadda uu bur buray wadahadalkii udhaxeeyey iyaga iyo Soomaaliland.

DHAGEYSATO CODKA rof.Cali Khaliif Galleyr

Cali Khaliif waxa uu sheegay xilli uu ka hadlay Kulan gaar ah oo Beelaha Khaatumo ku bahoobay yeesheen in Soomaaliland uusan awalba diyaar u aheyn inay Somaliland ku biiraan.

Prof.Galleyr ayaa sheegay in loo baahan yahay dadka Khaatumo inay ka feejignaadaan dhagar ay Soomaaliland umaleegeyso sida uu warka uyiri taasi oo ka dhigan in Khilaaf cusub uu soo if baxayo.