DHAGEYSO: Dagaal Ciidamada Dowlada iyo Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo ka dhacay Gobalka Gedo.

Wararka aan ka heleyno Gobalka Gedo ee dhaca koonfurta Somaaliya ayaa sheegaya in dagaal udhaxeeya ciidamada dowlada iyo dagaalyahano ka tirsan Alshabaab uu ka dhacay halkaasi

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda ay ku dhaqaaqeen deegaan la yiraahdo Suriya.oo qiyaastii 10-KM u jirta Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.
Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa la sheegay inay weerar ku soo qaadeen Deegaankaasi oo ciidamada Dowladda ay ku sugnaayeen, islamarkaana ay kuda jireen howlgalka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa xaqiijiyay hal Askari inuu kaga dhintay weerarkaasi, sidoo kalena ay kaga dhaawacmeen labo Askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda.

Deegaanka Suriya ayaa wuxuu Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo kaga beegan yahay Dhanka Waqooyi, wuxuuna u jiraa 10-KM waxaana hada deegaankaasi ku sugan sida wararka ay sheegayaan ciidamada Al Shabaab.

Ciidamadii Dowladda Federalka Soomaaliya ee deegaankaasi howlgalka u soo aaday ayaa dib ugu soo laabtay Degmada Buurdhuubo, iyaga oo wata meydka Askariga dhintay iyo dhaawaca labada kale sida adad goob joogayaal ah ay inoo xaqiijiyeen .