DHAGEYSO: Dowladda oo sheegtay in ay dishay xubno ka tirsan Shabaab

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdalla Xuseen Cali ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA usheegay in Duleedka Deegaanka NO.50 oo ka Tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose lagu qaarijiyay 14 ka tirsan AL-Shabaab oo isugu jira Saraakiil iyo Dagaalameyaal.

Wasiir Cabdalla ayaa sidoo kale sheegay in Dagaalameyaasha la qaarijiyay ay qorsheynaayeen in ay Weeraro ka geestaan Deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose lagana furtay Hub fara badan ,islamarkaana laga gubay Gaarigii ay Wateen Kooxdaasi.

Ugu dambeyn Wasiirk ku-xigeenka Difaaca Soomaaliya ayaa Dadka ku dhaqan Deegaankaas ugu Mahadceliyay Sida ay ula shaqeeyeen Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ,Islamarkaana ay ugu soo gudbiyeen Xogaha ku saabsan Al-shabaab.

Al-shabaab weli kama hadlin Sheegashada Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ee ah in 14 Shabaab ah lagu dilay Duleedka Number Konton

161005_001