DHAGEYSO: Faah Faahino ka soo baxa Hoobiyaal maanta lagu garaacay Xarunta Ciidamada Amisom ee Xalane.

Wararka aan ka heleyno nawaaxiga xerada AMISOM ee Xalane ayaaku waramaya in Tiro Madaafiic ah ay ku dhaceen Nawaaxiga Xerada AMISOM.

2 Madfac ayaa ku dhacday xarunta Ciidamada Aminsom ee Xalane sida dad goob joogayaal ah ay inoo xaqiijiyeen inkastoo aan la sheegi karin qasaaraha ay geesteen madaafiicda ku dhacday Xerada Xalane.

Madaafiicda ayaa la sheegay in rag watay gaari nuuca Raaxada ah ay ka tuureen aga gaarka SchoolJabuuti ee ku yaala xaafada jabuuti ee degamada Wadajir ee gobalka banaadir,Ragaas ayaa la sheegay in goobtaas ay ku rakibteen hoobiyaha isla markaana Ilaa Sedax hoobiye ay ka tuureen goobta 2ayaa si toos ah uga dhacday xarunta Xale halka midka kalena uu udhici waaye kadibna goobta uga cararay Xabad hoobiye ah taasi oo markii dambe dhaawac ugeesaty Haweeney dadka deeganka ka mid ah sida Ay inoo Xaqiijisay Wariye Ilhaan Jaamac Ibraahim oo Idaacada xurmo ka tirsan oo iyadu goobta ay wax ka dhaceen ku sugneed.