Dhageyso: Faroole” Saxaafadda been bey iga Sheegeen Aniga Amisom kama dalban Ciidan i waardiyeeya

Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), Madaxweynihii hore Puntland, ayaa wuxuu si xoogan u beeniyay in uu dalbaday inay ammaankiisu sugaan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Iyadoo Warbaahinta qaybteed ay qortay in Hogaamiyihii hore Puntland uu codsi u dirsaday Amisom, ayuu sheegay in uu maqlay in dadka qaarkii ay ka qoreen war been abuur ah.

C/raxmaan Maxamed Maxamuud, ayaa waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aanay dhici karinba in uu dalbado ciidan shisheeye oo ammaankiisa suga, xilli uu ka mid yahay Musharaxiinta Madaxtinimada Somaliya u taagan.

C/raxmaan Faroole, ayaa ku waramaaya in Beesha Caalamka looga baahan yahay inay sugto ammaanka Musharaxiinta, isagoo soo hadalqaaday in heshiiskii Garoowe uu ku cad yahay in doorashadu u qabsoomto si ammaan ah.