Dhageyso: Gabar 14Jir ah oo Isku Bireysay Magaalada Ceerigaabo ka dib Markii ay Imtixaanka Dugisga ay ku dhacday

Gabadha isdishay Da’aadeeda waxaa lagu sheegay 14 Jir waxeyna kamid eheyd Ardadii wax ka baraneysay Dugsiga Hoose,Dhexe ee Imaamshaafici oo ku yaala Magaalada Ceerigaabo.
Nimco Axmed Jaamac ayaa Aroortii Hore ee Saaka Mindi Dhuunta isaga Jartay Kadib markii ay ogaatay iney ku dhacday imtixaankiii Fasalka 8aad ee Sanadan gashay.

 
Sida ay Sheegeen ehelada Nimco waxa ay ka walwalsaneyd Natiijada ay ka keensatay intixaankii ay gashay iyadoo kamid noqotay Arday tiradooda gaareyso 603 oo ku dhacday imtixaankii Mideysnaa ee Laga Qaaday Dugisyada Gobolada Somaliland.

 
Markii ay Nimca Axmed Jaamac mindida isku bireysay ayaa ehelkeeda durbadiiba waxey ula carareen isbitaalka Guud ee Ceerigaabo,inkastoo Dhakhaatiirta eysan usuura galin iney Badbaadiyaan Gabadha yar.

 
Sanadkan ayaa ahaa kii ugu tirada badnaa ee Ardada Somaliland ka gashay imtixaanka Dowlada iyo Kuwa gaarka ahba ee dhacda,Sidaas waxaa shaacisay Wasaarada Waxbarashada Maamulka Somaliland.

 
Dhacdadan ayaa Noqotay mid Saaka ay aad uhadal hayaan dadka ku dhaqan Magaalada Ceerigaabo iyo Nawaaxigeeda,waxaana baqdin lasoo daristay waalidiinta dhashay caruurta kale ee iyaguna ku dhacay Imtixaankii Sanadan ee Dugsiyada Somalialnd.

 
Soomaaliya ayaa la sheegaa iney ka midtahay dalalka Afrika ee Ardadodu imtixaanada Lagu adkeeyo,waxaa jiro qaar kamid ah wadamada Qaaradan Afrika oo cabsi ay ka qabaan dhibaato Nafeed oo ka dhalata Darteed ufududeeyay Imtixaanadii Ardada.

 
Dalalkaas waxaa Kamid ah Kenya,Koofur Afrika iyo Tanzani,waxaana Sharciga lagu fududeynayo Imtixaanka meel mariyay Baarlamaanka Dalakaas.