Dhageyso: Galmudug oo ka hadashay Socdaalka Wasiir Odowaa uu ku joogo Magaalada Cadaado

Waxaa shalay Galinkii Danbe  Magaalada Cadaado Safar Shaqo kusoo Gaaray Wasiirka arrimaha Gudaha Xukumada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo Wafdi uu hogaaminayay Ayagoona kulamo kala duwan la qaatay Odayaasha dhaqanka, Masuuliyiinta Galmudug iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Cumar Maxamed Diiriye ayaa ka warbixiyay, Safarka Wasiirka Arrimaha Gudaha uu ku soo gaaray Cadaado iyo Sababta ka Danbeysa Imaatinka Wafdigaan.

Wasiirka ayaa sheegay in Socdaalka Wasiir Odawaa uu Ku saabsana inta Badan Shaqaaqooyin dhawaan ka dhacay DegaankaGodinlabe iyo Arima kale.