Dhageyso: General Cabdi Qeybdiid oo ka hadlay Xiisada ka taagan Magaalada Galkacyo

Siyaasiga Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ayaa waxa uu ka hadlay Xiisada ka taagan Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug taasi oo u dhaxeysa Maamulada Galmudug iyo Puntland.

General Qeybdiid waxa uu sheegay  in dagaalada iyo rabshadaha dib uga soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo ay yihiin kuwa u arkayo in ay dibu dhac ku yihiin bulshada Gaalkacyo.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay  in looga baahan yahay dhinacyada gobalka Mudug in ay xaliyaan xaaladda taagan, ayna gartaan danahooda gaarka ah oo aysan ku mashquulin arrimo aan waxba soo kordhineyn.

Dhinaca kale Cabdi qeybdiid ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay amarka ka soo baxay maamulka Puntland ee ay ku mamnuuceysay in Gaadiidka ka imaanaya Koonfurta Soomaliya in aysan u gudbi karin Puntland.