Dhageyso: General Gaafow oo Beeniyay In Ciidanka Ilaalada safaarada Turkiga ee Muqdisho ay Rasaas ku fureen Dad kasoo bad baaday Weerarkii Banaadir Beach

Taliyaha Hey’adda Sirdoonka Iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA Genaral Cabdulaahi Gaafow Maxamuud ayaa ka hadlay eedeyn loo soo jeediyay Ilaalada safaarada Turkiga ee Muqdisho kuwaasi oo lagu eedeyay in Weerarkii Haben hore ka dhacay Xeebta Liido dadkii kasoo baxsaday Maqaayada la weeraray in ay rasaas ooda kaga qaadan oo dadkii ugu badnaay Weerarka ku dhintay ay Ilaalada safaarada Turkiga ay dilen.

Gaafoow ayaa Difaacay Ilaalada Safaarada Turkiga isagoona been abuur ku tilmaamay in Ciidanka ay dad shacab ah ay Rasaa sku fureen Balse waxa uu shaaciyay in Ciidanka ay rasaasta ku Rideen Gaarigii is qarxiyay ka hor inta uusan Goobta soo gaarin halkii uu isku qarxin lahaa.

Dad badan oo ka bad baaday Weerarkii lagu qaaday Banaadir Beach ayaa sheegay in Ciidanka Ilaalada Safaarada Turkiga ay rasaas ooda kaga qaadeen Intii Yareeyd ee kasoo Bad baaday Weerarka waxaana arintaasi ay Noqoneysa Mid Nabar Jab xoogan ku keeni kara Kalsoonida ay shacabka soomaliyed ku qabaan Dowlada Turkiga Maadaamada Ciidankeeda lagu eedeeyay in dad shacab ah ay Rasaas ooda kaga qaadeen.

Hadaba Generaal Gaafoow ayaa Arintaasi uga waramay Laanta Afka Soomaliga ee VOA.