DHAGEYSO: Goorma ayaa lasoo asteeyay in la soo gabagabeeyo dhismaha Shirka maamul usameyta Hiiraan iyo Sh/Dhexe?

Wasaarada Arrrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ushaacisay in Bartamaha Bisha soo socota la soo gaba gabeyn doono Dhismaha shirka Maamul u sameynta gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Yaxye Cali Ibraahim oo ah Xoghayaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in la soo gaba gabeyn doono Dhismaha shirka Maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo gogashiisa ay taalo Magaalada Jowhar.

Yaxye Cali Ibraahim Xoghayaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in xaaladihii ugu adkaa ee shirkan Maamul u sameyntiisa laga soo gudbay inta kale ee hada hartayna ay yihiin kuwo fudud oo lamaareyn doono.

Tan iyo markii dowlada dhexe ay ku dhawaaqday dhismaha maamul usameynta gobalada Hiiraan iyo SH/dhexe waxaa shirkaasi ka taagnaa isqabqabsi udhaxeeyay beelaha qaar ee shirkaasi ka qeybgalayay iyadoona beelaha ka soo jeeda gobalka Hiiraan badankood ay qaadaceen ka qeyb galka shirkaasi iyagoona sheegay in maamul gaar ah ay sameeysan doonan.