Dhageyso: Guddoomiayaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay Qaadashada Kaarka Aqoonsiga ee Minashiibiyo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Mudqisho Yuusuf Jimcaale madaale ayaa ka warbixiyay Kaarka Aqoonsiga ee Teesaro Minashiibiyo oo dhawaan shacabka lagu amray in ay qaataan.

Madaale oo TV universal wareysi siiyay ayaa ka hadlay dhaqaalaha ka soo baxaayo Sameysiga kaarkaas aan loo isticmaali doonin ol olaha doorashada .

Duqa Muqdisho ayaa su’aal laga weydiiyay waxa xiligaan kusoo Beegay in Kaarka aqoonsiga Minashiibiyo ay shacabka ku qasbaan waxaana uu ku jawaabay sidatan”

” “Arinka ah ID Aqoonsiga Dowladda hoose iyo maxaa isku soo beegay waqtiga Doorashada, aniga ayaa ku soo beegmay Waqtiga Doorashada Cimrigeyga ayaa doorashada u dhaw waxyaabaha aan ku fekeraayay inaan qabto ayeey ka mid tahay, marka doorashada imaanaysa dee dib u dhigna, lacagta ka soo baxeysana ma’ahan lacag lagu geli karo doorashada oo ilaa iyo hada waxaa laga yaabaa 2,500 oo ruux inaan mareyno maalintaan biloownay ilaa iyo hada marka lama dhihi karo, shaqana iskuma lahan lacagtaasina meesha ay aadeyso iyo Dowladda hoose waa la og yahay, anigana wax kasta sida ay u soo dhacaan waan cadeeyaa dadkaan u sheegaa hada in 2,500 ruux in la qabtay inaan idiin sheego macno weyn ayeey idinka idiin kordhinaysaa.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Kaarka Aqoonsiga Dowladda hoose ayaa lagu qaadanayaa lacag dhan $17-Doolar ilaa $1 Dollar oo Dagmada la siinaayo taasi oo wadar ahaan noqoneysa $18 Dollar  dadka reer Muqdisho ayaa micno kala duwan u sameeyay arintaasi waxaana ay sheegeen in arintu ay tahay Dowladda inay dhaqaale Doorashada ku aadan ay ka doonayso Bulshada.