Dhageyso: Guddoomiyaha Baarlamanka oo ka Hadlay Wax qabadka Xildhibaanada Baarlamanka

Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamad Shiikh Cusmaan Jawaari oo ka qeyb galaayay Munaasabad lagu xusaayay Sanas guuradii 4-aad ee ka soo wareegatay Markii Madaxweyne Xasan shiikh loo dhaariyay Xilka Madaxweyne ee Soomaliya ayaa ka hadlay Baarlamanka hada jira ee Waqtigiisa uu dhamaaday iyo kan Cusub ee Iman doona shaqada laga doonaayo in Bulshada Soomaliyed ay u qabtaan.

Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya intooda badan hada ay ku maqan yihiin Gobolada ay ka soo jeedaan, iyagoo ka qeyb qadanaya soo xulista Xildhibaanada ka mid noqonaya Dowladda cusub ee la Filayo in Dhawaan lasoo Dhiso .

Sidoo kale Guddoonka Baarlamanka ayaa shaaciyay in Dowladnimada ay tahay wax aad u weyn shacabka Awoodiisana ay Dowlad ka bilaabato kuna dhamaato wuxuuna kula dar daarmay Xildhibaanada Cusub ee Imaan doona in ay si Hufnaan ah ugu adeegsaan Shacabka ay wakiilka uga yihiin Dowlada .

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka  Jawaari