Dhageyso: Imaaraadka Carabta oo Saldhig Milatari ka Dhisaneysa Magaalada Berbera ee Soomaliland

Magaalada Berbera ee Maamulka Soomaliland waxaa Dhawaanahanba ka socday dhaq-dhaqaaqyo caalami ah oo maalgashi, kuwaas oo diiradda lagu saarayay dekedda iyo garoonka diyaaradaha.

Hore waxa Maamulka Somaliland heshiis maalgashi oo muddadiisu 30 sanno tahay ula gashay shirkadda DP-World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, taas oo uu ansixiyay golaha baarlamaanka ee Somaliland.

Bishan horraanteedii waxa dawladda Imaaraadku waydiisatay Somaliland in saldhig milatari laga siiyo magaalada Berbera, taas oo madba’ ahaan ay dawladdu aqbashay.

Madaxweynaha Maamulka Soomaliland Axmad Siilaanyo oo Booqasho ku tagay Imaaraadka ayaa waxa uu aqbalay dalab ay Dowlada Imaaradka Carabta usoo gudbisay kaasi oo ku aadana in Imaaradka uu saldhig Milatari ka sameysto Magaalada Berbera.