Dhageyso: Jubbaland oo dib u habeyn ku Sameyn doonta Ciidamadeeda ku sugan Jubbooyinka

Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Wasiiru dowlada Wasaarada Amniga maamulka Jubbaland oo warbahinta kula hadlay degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa waxa uu sheegay in qorshe uu wado maamulka Jubbaland kaas oo ah in dib u ahabeyn lagu sameyn doono ciidamada Jubbaland ee ku sugan Jubbooyinka.

Waxa uu sheegay Wasiiru dowlaha in ciidanka Qalabka Sida loo kala saari doono ciidanka Daraawiisha, Nabad sugida iyo kuwa Booliska ee maamulka Jubbaland.

Waxaa jira ciidamo badan oo ka tirsan maamulka Jubbaland kuwaas oo ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Gedo, inkastoo mudooyinkii dambe uu gobolkaas khilaaf uu ka jiray kaas oo hareeyay mamulka gobolka iyo waliba kan degmooyinka.