Dhageyso: Jubbaland oo Fasaxday Qaxootiga Kenya kasoo laabanayay ee ku Xayirnaay Magaalada Dhoobleey

Maamulka Jubaland ayaa u ogolaaday inay safarkooda deegaannada Jubbooyinka sii wataan qaxooti fara badan, kuwaas oo oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku xayirnaa deegaanka Dhoobley ee gobbolka Jubada Hoose.

Qaxootigan oo qeyb ka ah qaxootiga xerada Dhadhaab ee dib ugu soo noqonaya Soomaaliya, ayaa Jubaland ay xanibtay ayada ku doodeysa inay hay’adaha caalamiga ah aysan wax dib u dejin ah u diyaarin.

Go’aanka cusub ayaa yimid kadib wadahadlo maamulkaas uu la yeeshay masuuliyiin ka socday hay’adda UNHCR oo tagay shalay magalada Kismaayo.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka Jubbaland General Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in Jubbaland ay fasaxday Qaxootigii ka soo laabanayay Xeryaha Qaxootiga Dalka Kenya .

Jubbaland ayaa dhawaan shaacisay in ay Hakisay Qaxootiga kusoo laabanayo deegaanada Jubbaland Balse go’aankaas hada wey ka laabatay Jubbaland.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Wasiirka Arimaha Gudaha Jubbaland