DHAGEYSO: Khudbada Madaxweynaha butland uu ka jeediyay Shirka lagusoo gabagabeyay magalada Gaalkacyo

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad ka jeediyay shirka lagu soo gabagabeyay Magaalada Gaalkacyo waxaana Madaxwaynaha mamulka Puntland c/wali maxmad cali gaas ka hadlay Aragtiada ay ka qabaan in lagu wajihi karo xalka iyo Xasilinta Gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay Madaxwaynaha Puntland in ay ka go’an tahay sidii nabad loo heli lahaa taas oo la rabo inay noqoto nabad waarta, kuna dhisan cadaalad.

Madaxwaynaha Puntland Dr. Gaas ayaa sheegay in heshiiskii Abuu Dubai ay fulinayaan diyaarna u yihiin, isagoona intaas ku daray in wax walba oo xal ku imaanay ay soo dhawaynayaan.

”Waxaan Qabnaa in Dadka Gobolka ee taladu ka go’odo ay kawada xaajoodaan arrinka, waxaana ay garanayaan taariikhda Gobolka” Ayuu Yiri Madaxwayne Gaas.
imagesuu