Kulankii Todobaadlaha ee Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir ay maanta yeesheen ayaa waxaa looga hadlay amaanka guud ee Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo sidii Gudoomiyeyaasha Degmooyinka ay u xoojin lahaayeen amaanka guud ee Degmooyinka ay Mas’uulka ka yihiin.
Kulanka markuu soo idlaaday kaadib waxaa Warbaahinta la hadlaay Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C/Fitaax Cumar Xalane oo faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ay kawda hadleen Duqa muqdisho iyo gudoomiyeyaasha Gobalka Banaadir.