Dhageyso: Lacag Xad dhaaf ah oo Laga xaday Laanta Bangiga dhexe ee Dekedda Muqdsho

Dr. Muqtaar Nuur Abuukar oo ah Garsooraha Maxkamadda  Racfaanka ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Agaasimaha Laanta Bangiga dhexe ee  Dekedda Muqdsho uu Xaday Lacag dhan Labo Boqol iyo Afar Kun oo Dollar islamarkaana ay Amartay Maxkamaddu in Caddaalada la horkeeno si wax looga weydiiyo.

Garsooraha Maxkamadda  Racfaanka ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Xeerilaaaliyaha uu wax ka ogyahy Arrintaas lagu Xaday Lacagta.

Lacagta ayuu sheegay Garsooraha Maxkamadda  Racfaanka ee Gobolka Banaadir inuu qaatay Shaqsi lagu Magacaabo Cabdi Maxamed Abuukar oo ah Agaasimaha Laanta Bankiga dhexe ee Dekedda Muqdisho.

Garsooraha Maxkamadda  Racfaanka ee Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin Cid wali xirtay Shaqsiga lacagta ka xaday Laanta Bankiga dhexe ee Muqdisho.