Dhageyso: Maamulka Galmudug oo Eedeyn u Jeediyya Puntland

Iyadoo weli Magaalada Galkacyo ay ka taagantahay Xiisad dagaal oo u dhaxeysa Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa Labada Dhinacba ay warbaahinta isku Marinaaya Eedeymo la xiriira Cida Dagaalka hirineysa.

Maamulka Galmudug oo Ka Hadlay Dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Galkacyo ayaa waxa uu Puntland ku eedeyay in ay diidantahay Xal waara oo laga gaaro Colaada Magaalada Galkacyo.

Wasiirka Dekadaha Maamulka Galmudug Burhaan Warsame oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wada hadalada Dagaalada Gaalkacyo loo xilsaaray Guddiyo isugu jira Dowladda Federaalka, Maamulka Puntland iyo Maamulka Galmudug.

Wasiirka wuxuu Intaa Raaciyay in Puntland ay Hurineyso Colaada Galkacyo maadama Buu yiri ay diidantahay Waan waan la gaaro iyo in Labada Maamul ay ka heshiiyaan Colaada Magaalada Galkacyo.

Galkacyo waxey u qeybsantaa Labada qeyb waxaana kala Maamulada Galmudug iyo Puntland Dhanka Koonfureed waxaa Maamula Galmudug Halka Dhanka wuqooyi ay Maamulaan Puntland.