Dhageyso: Maamulka Galmudug oo Markii ugu Horeysay ka hadlay Xiisada Galkacyo ka taagan

Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay Maamulka ay dariska yihiin Ee Puntland inuu Ciidamo badan soo dhoobay Xaduuda ay wadaagaan Labada Maamul.

Cumar Maxamed Diiriye wasiiru dowladaha arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Maamulka Puntland u Ciidamo badan soo dhoobay Xadka ay wadaagaan Puntland iyo Galmudug,waxaana uu ka digay in Dagaal mar kale uu ka dhaco Gobolka Mudug.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa inta badan isku Eedeeya Falalka Amni dari ee ka dhaca Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.