Dhageyso: Maamulka Galmudug oo soo Dhaweeyay Shirkii IGAD ee Muqdisho lagu qabtay

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ayaa si weyn u soo dhaweeyay shir Madaxeedkii IGAD ee shalay kusoo idlaaday magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa guul ku tilmaamay Shirkii IGAD ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xaashi Carabey ayaa ku Tilmaamay Shirka IGAD ee shalay Muqdisho lagu qabtay Mid Guud ahaan Shacabka Soomaliyed Micno weyn ugu fadhisa iyadoona ay taasi caalamka u muujineyso in Soomaliya ay Meel sare Hamnineyso.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Shirka Jaraa’id Xaashi Carabey