Dhageyso: Maamulka Jubbaland oo Sheegtay in ay Hakisay Qaxootiga ka soo Laabanaya Dalka Kenya

Maamulka Jubaland ayaa sheegay inay hakiyeen qaxootigii laga soo celinayay xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Arintan ayey u sababeeyeen kadib markii sida ay sheegeen looga baxay ballan horey looga qaaday oo aheyd in dadka la soo celinayo la siinayo adeegyada ay u baahan yihiin marka ay gudaha Soomaaliya ku soo noqdaan.

Maamulka ayaa sheegay inay xaqootiga ay haatan ku hakiyeen magaalada Dhoobley aysanna ogolaan doonin inay halkaa uga soo gudbaan Jubaland maadama aysan qaadi karin culeyska iyo tirada qaxootiga soo noqonaya.

wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee Jubaland General Maxamed Warsame Darwiish, ayaa VOA u sheegay in Maamulka Jubbaland ay dib u Celinayan Qaxootiga kasoo laabanaya Xeryaha Qaxootiga Dalka kenya.