Dhageyso: Maamulka Puntland oo Si Kulul ugu Hadlay Xiisadaha ka taagan Magaalada Laas-Caanood ee Gobolka Sool

Iyadoo Maalmihii ugu dambeyay xiisad ay ka jirtay Magaalada Laas-caanood taasi oo u dhaxeysa Maamulka Soomaliland iyo Dadka shacabka ah ee ku Nool Magaalada ayaa arintaas waxaa Markii ugu horeeysay ka hadashay maamulka Puntland.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Xariirka gobalada Puntland oo Garoowe Warbaahinta kula hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Puntland aysan ka Aamusi doonin waxa ka dhacaya Magaalada Laas-Caanood ee Gobolka Sool.

Wasiiru dowluhu wuxuu sheegay in ay waajibad ka saaran yahay dawladda sugida iyo Difaaca guud ee dalka, haddana ay qaadan doonto waajibaadkeeda guud, isagoo ula jeeday in ay Puntland dib ula wareegayso gobalkaas.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka