Dhageyso: Madaxda Puntland oo Amar aan caadi aheyn dul dhigtay Baarlamaanka.+(Sawabta Ogow)

C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey)  Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee ka socda Dalka.

Sido kale Waxa uu sheegay kooramka xildhibaanada in uusan xalaal noqon doonin ilaa ay ka soo dhameystirmaan xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose oo hada ay socoto Doorashadooda.

C/xakiin (Camey) ayaa waxa uu sheegay marka ay xalaal noqonayaan in ay tahay waqtiga ay soo dhameystirmaan labada xubnood, isagoo sidoo kale sheegay da dejinta Doorashooyinka in dano gaar ah laga leeyahay.

Dhinaca kale C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa sheegay muhiim in ay tahay in la joojiyo ficilada aan loo baahneyn in la sameeyo..

” Ma aqbali karno in ay kulmaan xildhibaanada cusub ee dowlada soomaaliya,sababtoo ah weli puntland ma dhameystirin xubnaha aqalka hoose”.

Amarkan ka soo baxay madaxda puntland ayaan la ogeyn sida uu u dhaqan geli doono.

Halkaan Kadhageyso Hadalka Madaxweyne ku xigeenka